Le parcours d'intégration n'utilise pas de cookie à des fins marketing. Pour plus d'informations, consulter notre politique de cookies et de confidentialité
Fermer

Su'aalaha badanaa la isweydiiyo

Q.
Ma ku qasbanahay in ka qeyb galo tallaabooyinka is dhexgalka ?
R.

Barnaamijka Is dhexgalka waa MANDATORY * oo loogu tala galay soogalootiga cusub ee dagan luuqada faransiiska ku hadasha ee Wallonia oo da'doodu u dhaxayso 18 iyo 65 sano oo ajnabi ah, oo sharci ahaan daganaa wax ka yar 3 sano isla markaana haysta sharciga daganaanshaha inka badan 3 bilood.

* Xusuusin: Waxaa jira shaqsiyaad laga dhaafay oo la fasaxay waajibkaas.

Q.
Hadaan ka qeyb galay cashirka « Muwaadinimadda », ma ku qasbanahay in aan ka qeyb galo kulanka lagaga hadlaayo «xuquuqda iyo waajibaadka » ?
R.

HAA, tallaabooyinka is dhexgalka hab gooni ah loo sameeyo ma lahan waad isku dhaxqasi kartaa, laakinse waa in aad ka qeyb gashaa tallaabo kaste (aan eheen cashiraha « FLE » hadii af faransiis kaaga uu fiican mid kuugu filan, waa lagaa dhaafi karaa iyo qeybta « isdhexgalka bulshadeed iyo xirfadeed » hadii aad shaqo heysatid).

Q.
Kaligeyga ma iska qori karaa cashir (FLE, ISP, muwaadinimadda) ?
R.

HAA, laakinse waxaa roon in aad talo weydiisato qofka mas'uul kaa ah wixii ku saabsan tallaabooyinkaaga is dhexgalka ah, sabata oo ah ururada dhamaantooda ma ahan kuwa la aqoonsanyahay.

Q.
Hadii aan ka sameeyay tallaabooyinka is dhexgalka gobolka flamishka / ama qayta jarmalka / ama buruksel, ma ku qasbanahay in aan ka qeyb galo tallaabooyinka is dhexgalka gobolka wallonnie ?
R.

Maya, hadaan heysto shahaado caddaynaysa in aan dhameystiray taallabooyinka is dhexgalka.

Q.
Hadii aanan ku hadlin xabad faransiis, sidee uga qeyb gali karaa tallabooyinka isdhexgalka ?
R.

Haa, haka walwalin, turjumaano luuqado badan oo xirfad leh ayaa kuu jooga. Hadii aad u baahato, haka waaban in aad sheegti ballanta ugu horeysee lagu siiyo. Mida kale, tallaabooyinka is dhexgalka waa fursad aad luuqadda faransiiska si lacag la'aan u baran karto.

Q.
Maxay taraayaan tallaabooyinka is dhexgalka ?
R.

Tallaabooyinka is dhexgalka waxaa loo sameeyay sida aad u fahantid wadanka aad soo dagtay.

Q.
Mudo intee ay soconaayaan tallaabooyinka is dhexgalka ?
R.

Muddada ugu badan ee tallaabooyinka is dhexgalka soconaayaan waa 18 bilood. Laakinse, muddada tallaabooyinka is dhexgalka way yaraan kartaa taasne waxay ku xirantahay baahidaada.

Q.
Ma jiraan cashiro (FLE, Muwaadinimadda) oo habeenkii la dhigaayo ?
R.

HAA, ka codso qofka kaa mas'uul ah wixii ku saabsan tallaabooyinka is dhexgalka. Asiga ama iyada inta ay awoodo ayay sameenee waxay ku xirantahay helitaanka iskoolada.

Q.
Waxaan leeyahay cunug oo aan mas'uul ka ahay marka wakhti yar aan haystaa, sidee sameeyaa saan uga qeyb galo tallaabooyinka is dhexgalka ?
R.

Nasiib daro, tallaabooyinka is dhexgalka waa wax qasab ah. Qofka mas'uul kaa ah ayaa xal kuu helaaya.

Q.
Hadaan shaqeeyo, ma inaan ka qeyb galo tallaabooyinka is dhexgalka ?
R.

Maya, hadii heeshiiskaaga shaqada uu yahay ugu yaraan mid soconaaya 3 bilood ka badan oo aad na shaqeyneynin saacado kaamil ah.

xiriiro waxtar leh